Dhaxal guur dhul iyo Diinba

Ethiopian !!!.

Waxa magalada borama iyo dhulka somaliyeedba si tiro beel ah u imanaya raxan raxan Ethiopian ah, muudo dhowr bilood ah oo aan arinta u fiirsaday waxan dareemay in maalinba koox cusub magalada soo galaso oo ay soo hor kacayaan intii sii joogtay, dadkan ma dhanqaale la'aan Ethiopia ka jirta ayaa wada ? Waa maxaya dadkani 3 kooxood bay iskugu jiraan

  1. Koox muruq- maal ah oo fursad shaqo oo ka wanaagsan ta Ethiopia taala ka arkay magalada ama maqaaxi ha furto ama raysleh ama shaqaale qof ha noqdee
  2. Koox dowlada Ethiopia u shaqaysa oo waliba sirdoon u badan inta aan xog ahaan ku hayo oo ay ugu horeeyan nimanka badalka waxa la yidha ku shaqeeya
  3. Koox iyadu dhowrtaysanasa

Dhibaatada kowaad ee laga dhaxlayo wakhtigan aynu joogno!

A. Waxay meesha ka sareen shaqaale iyo shaqo abure badan oo xaq- u lahaa in u magaladiisa iyo wadankiisa u nolol ka helo.

Shaqooyinka ay hadeer gacanta culus ku dhigeen

  1. Rayslaha- rayslaha sida aan ogayn wakhtigii hore waxa noloshooda kala soo bixi jiray dad badan oo muwaadiniin ah, balse wakhtigan aan joogno ugu yaran 20 raysleh ee magalada borama lloogu xeeritan badan yahay waxa haysta ama ka shaqeeya Ethiopian. Imisa dhalinyarta gobolka ka mid ah oo xaq u lahaa ayaa manta bila camala?!!

  2. Meheradaha yar yar ee shaha- shaha noocyadiisa kala duwan waxan ugu tegi jirnay meheradaha suuqa sida suuqa doqonka iyo meelaha la midka ah waa hdii aan hotelada waaweyn la tegayn imika is-goys kasta waxa fadhida gabdh Ethiopia ah taas oo bun iyo shaah kaliya banaanka ku iibinasa xata guri kiro ah ma galaso !! Haye intee oo hooyo ayaa halka ku shaqo belay?!!

  3. Qodobka ugu weyn ee inagu cusubi waa kan "Wadista bajaajta" bajaajta intii aan ogayn qofna waa yadle(owner) qofna waa wade oo yoomiyaha kala soo baxa lkn ku dhawaad 8 bilood ee u danbeeyey magalada borama 4 bajaaj hadii aad maalin raacdo laba waa Ethiopian qof Somali ah badana u shaqaynaya, halkaa imisa Aabo iyo walal oo xaq u lahaa ayaa ku camal belay? Iyadoo awalba camal la'aantu 75% ahyd.

  4. Qodobkan kalena waa mid toxic News ah "ka shaqaynta kuulliga ama dhismaha guryaha yoomiga ah" meeshani waxay ahyd il nolol iyo quto-daruuri u ah caruuro iyo xafado dhan, waana halka in ka badan 1/3 muruq-maalka magaladu u shaqo tagaan lakiin ogow hada waxa la wareegay oo guri kasta oo dhisme ah jooga Ethiopian, haye imisa Aabo iyo walal ayaa camal la'aan noqday?

  5. Xamaalka ama ka rogista raashinka gawaadhida?
    Raashinka laga qaadayo bakhaarada raashinka ee guryaha loo gaynayo ama ka gaadhiga laga rogayo waxa u ahaa mid dhib badan se aan laga maarmayn oo inbadan inaga mid ah ay nolosha ku ilaalinayeen se ogow in dhalin yar Ethiopian ah ay arinta faro ba'an ku hayso.

  6. Baalashka - baalashku waxa u door nololeed u ahaa dhalinyar yar -yar oo qaysaskooda dib ugu celin jiray waxa ay maalinta soo helaan se imika, meesha aad fadhiisato 10 Ethiopian ah ayaa hal mar ku wada waydiinaya in ay ku baalasheeyan!!, haye imisa dhalinteena ah oo qoysaskoodu ku tiirsanayeen ayaa hada bila camal noqday ?

  7. Dadka dhowrtaysanaya - dadkan oo hadii aad meherad 10 minutes fadhiisato 5 ka mid ahi ku soo marayaan waxay meesha ka sareen oo ay meel walba uga horeeyeen dadkeeni taagta darna ee sadaqadu ku baxasay kuwaas oo imika gabi'ahaanba magalada ku yaraaday sidii ay ethiopian kaas u yimadeen

  8. Ogow in ay dhibaatada Ethiopian ka ee shaqo doonka ahi sii kordhaso.

FG. Dadkani badana waxay ku shaqaynayaan khidmad( lacag) ka yar inta qofka somaliga tusaale kuuliga qofka somaliga ah waa $8 yoomka lkn Ethiopian hadii aad $6 siiso u qaadanaya ma garanasa sobobta waa laba mid
A. Meesha u lacagta la tegaya waa meel maceeshada oo dhani ka jabantahay halkan u joogo
B. Waa in u fuliyo hadalkii Haila salaisea.

° HAILA SALIASE wuxu yidhi hadii aad dhul somaliyeed tagtaan, waxa ugu yar ee gacantiisa ku jira igu shaqee hadii u ku yidha qofka somaligii ugu shaqee waayo mustaqbalka waad la wareegi doontan
dhulka!!!.
~~ se qofka somaligii duruuf nooce ah buu ku dabaraya $8.

XALKA KOWAAD.
° In bulshada ay shaqooyinkooda ay qateen ay samaystaan nidaam wada jira oo ay kaga hortegayaan Ethiopian, tusaale midowga bajaaj-layaasha
°in sumcadooda shaqo ay kordhiyaan- siiba rayslayaasha.
° Dowlada oo doorkii ugu weyna lahayd in ay doorkeeda qadato
° In la aas-aaso ururo bulsho oo arinta lagaga hortegayo.

° Dhaxalka mustaqbalka qof walba u garanaya se qoral kale ayaan ku soo koobi doona inzha allah.

FG. Waxaynu u baahanahy baraarug bulsho!!!

15EDAB76-AE92-4D1F-BB03-A0F9581A032C.jpeg

Posted using ThiagoRe.com



0
0
0.000
0 comments